Turkiga oo dhex-dhexaadinaya Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dowladdiisa ay dhex-dhexaadin doono dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta oo isku khilaafsan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Wasiir Mevlut Cavusoglu ayaa waxaa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Wadajir ah (a joint interview) uu saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay siiyey WakaalladdaWararka ee Anadolu Agency iyo Telefishinka Qaranka Turkiga ee TRT.

“Maalmaha soo socda, waxaan qorsheynaynaa Socdaal aan ku tagno Somalia, si aan u xoojino dadaalada socda. Iyaga waxay kaloo doonayaan inay inoo yimaadaan” ayuu yiri Wasiir Mevlut Cavusoglu.

Mar uu ka hadlayey Qalalaasaha Doorashada ee Somalia, waxa uu carrabka ku adkeeyey inay muhiim tahay inay dhamaan Kooxaha Soomaalida Heshiis ka gaaraan Arrinta Doorashadda Somalia, sida ugu dhaqsaha badan.

“Dhamaantooda waa Walaalaheena ku sugan Somalia” ayuu sii raaciyey, isagoo malaha Maanka ku hayey Eedeynta ay Murashixiinta ka keeneen Hubka ay Turkiga siiyeen DFS oo loo adeegsaday Dibadbixii ay Madaxda Murashixiinta ka dhigeen Muqdisho bishii la soo dhaafay ee Feberaayo 19-dii.

Dhinac kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu waxa uu mar kale ku celiyey Taageeradda Turkiga ee wadajirka Somalia iyo inay Faa’idada dalka tahay inay Dhinacyada isku haya Somalia ay dhexdooda ka heshiiyaan iyo inay qaadaan Tallaabooyin Heshiis sida ugu dhaqsaha badan.

Mevlut Cavusoglu waraysi uu siiyey Wakaalladda Wararka AA iyo Telefishinka TRT oo ay labadooda Dowladda Turkiga leedahay laga dareemi karaa inay Dowladda Turkiga dani ugu jirto Deganaanshaha Siyaasadeed ee Somalia iyo inay ku muujiyaan inay xiriir wacan la leeyihiin DFS iyo Midowga Murashixiinta xilka Madaxweynaha oo iyagu u muuqa Quwad Mucaarad oo xooggan.

Si kastaba ha ahaatee, Galaangalka Turkiga ee xalka Somalia waxa uu ku soo beegmay, xilli ay Midowga Murashixiinta iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowlad-gobaleedyada ka biyo-diidsan yihiin Xil-haynta aan Dastuuriga ahayn ee Madaxweyne Farmaajo oo xilli-hawleedkiisu ku ekaa bishii Feberaayo 8-dii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor