Turkiga oo Deeq Caafimaad kale ku wareejiyay Dowladda Somalia

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa waaberigii horey ee saakay waxaa kasoo degtay diyaarad ka timid dalka Turkig oo siday qalab Caafimaad kala duwan, taasi oo loogu deeqay dowladda Soomaaliya.

Diyaaradan oo ah midii saddexaad ee Turkiga u soo diray Soomaaliya ayaa  waxaa ay siday qalaba Caafimaad oo kala duwan oo loogu talaglay in lagula dagaalamo Cudurka Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa halkaas ku soo dhaweeyay xubno ka socday Turkiga, iyagoona lagu wareejiyay deeq Caafimaad oo ka timid dalkaas.

Maalin kahor ayay aheyd markii Turkiga uu dowladda Soomaaliya ku wareejiyay qalab Caafimaad oo uu ku jiray Ogsijiinka lagu xiro dadka, iyadoona dowladda ay aad ugumahadcelisay Madaxweynaha Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa horay u shaacisay in  Soomaaliya ay ugu talagaleen kaalmo caafimaad si ay ugula  tacaasho xaladaha caafimaad iyo in ay xakamayso  fafintaanka Virus-ka Corona.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media