Turkey iyo Israel oo dib usoo celinaya xiriirkooda diblomaasi

Israel ayaa si buuxda dib ugu soo celineysa xiriirka diblomaasi ee Turkey, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay xafiiska ra’iisul wasaare Yair Lapid, kadib sanado uu xumaa xiriirka labada dal.

“Waxaa la go’aansaday in mar kale heerka xiriirka labada dal la gaarsiiyo xiriir diblomaasi oo dhameystiran, lana soo celiyo safiirrada iyo qunsullada labada dal,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Lapid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey isfahamka diblomaasi ee labada dhinac wuxuuna ku qeexay “hanti muhiim u ah xasilloonida gobolka iyo war wanaagsan oo dhaqaale oo ay heleen shacabka Israel.”

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in labada dal ay dib u magacaabayaan safiirradooda.

“Magacaabista safiirrada waxay aheyd mid ka mid ah tallaabooyinka soo celinta xiriirka. Tallaabadan togan waxay ka timid Israel ayada oo ka dhalatay dadaallada, Turkey ahaanna waxaan go’aansanay inaan safiir u magacowno Israel iyo Tel Aviv,” ayuu yiri Cavusoglu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor