Trump oo saxiixay amar lagu hakinayo kaarka deganaanshaha Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu saxiixay amar madaxweyne oo uu si kumeelgaar ah ugu joojinayo ansixinta qaar ka mid ah kararka deganaanshaha Mareykanka ee green card-ka.

Amarkan oo aanay ku jirin dhowr xaaladood ayaa waaxa uu socon doonaa muddo 60 casho ah waxaana laga yaabaa in la sii dheereeyo, ayuu yiri.

Mr Trump ayaa sheegay in amarka loogu talagalay in lagu ilaaliyo shaqooyinka shaqaalaha Mareykanka ee dhaqaalaha uu waxyeellada soo gaarsiiyay coronavirus.

Dadka dhaleeceeya Trump ayaa waxa ay ku eedeeyeen inuu cudurkan u isticmaalayo fulinta siyaasadaha xagjirka ah ee socdaalka ee uu mudada dheer ku taamayay xilli weliba sanadkan doorasho la galayo.

“Tani waxa ay xaqiijinaysaa in dadka Ameerikaanka ah ee aanan shaqa-haysan ee noocyada kala duwan ah ay noqonayaan kuwa ugu horreeya ee shaqooyin hela markii dhaqaalaha dib loo furo,” ayuu Mr Trump Arbacadii ka sheegay Aqalka Cad mar uu waday xogta maalinlaha ah ee cudurka coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media