Trump oo qaaday tallaabo ka nixisay hoggaamiyeyaasha diimaha dalkaas

Madaxweyna Donald Trump wuxuu xalay isasoo sawiray isagoo kitaabka masiixiyiinta gacanta ku haya, oo hor taagan kaniisadda St John’s Episcopal, oo ka soo horjeedda Aqalka Cad. Maantana wuxuu booqan doonaa macbadka St John Paul II, oo laftiisa ku yaalla isla magaalada Washington.

Laakiin sida uu Mr Trump ugu weecday dhinaca diinta ma aysan soo dhaweynin qaar ka mid ah wadaaddada, xilli uu waddanka Mareykanka dhib weyn kala kulmayo arrimaha la xiriira cudurka safmarka ah iyo dibadbaxyada siyaasadeed.

Mariann Budde, oo ka mid ah wadaad diimeedyada ayaa yiri: “Madaxweynuhu wuxuu iska isticmaalay kitaab, hadallada uu adeegsadayna ma aha kuwo uu fasax u heystay, taasina way naga yaabisay.”

James Martin, oo isagana ah baadari kale oo xiriir la leh Vatican-ka ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray hadallo uu ku dhaliilayo madaxweyne Trump.

“Aan wax kala caddeeyo. Kitaabku ma aha wax lagu gabbado. Kaniisaddu ma aha meel loogu talagalay in la isku sawiro. Diintu ma aha qalab loo adeegsado siyaasadda. Alle ma aha wax aad ciyaar ka dhiganeysid.” ayuu kusoo qorat Twitter-ka.

Xigasho BBC-Somali

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media