Trump oo ka hadlay dhacdadii lagu dilay ninkii madowga ahaa ee gudaha Minneopolis

Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa George Floyd.

Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas.

Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.

“Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa”

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media