Trump oo  doonayaa in uu cafis u fidiyo dadka isaga u dhow

Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa fiirineysa sheegashooyinka ah in dad u ololeeyay Trump ay isku dayeen in ay adeegsadaan laaluush si ay u helaan cafis madaxweyne, sida ay muujinayaan waraaqaha maxkamadda ee aan la shaacin.

Sida ay yiraadhdeen bishii Ogosto, baarayaashu waxay bilaabeen inay baaraan “qorshe hawleed qarsoodi ah” oo laga yaabo in ay ku lug leedahay isku dayo lala xidhiidhinayo saraakiisha Aqalka Cad.

Xogtaaas wax magacyo ah ma bixinayso, laakiin waaxda caddaaladda ayaa sheegeysa in uusan jirin sarkaal dowladeed oo la baarayo.

Madaxweyne Trump qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay baaritaanka inuu yahay “war been abuur ah”.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media