TPLF oo war ka soo saartay dagaalka ay dowladda Itoobiya kula jirto

Hogamiyaha ciidamada TPLF ee dowlada dagaalka kula jira in ka badan hal sano ayaa sheegay in uu amar ku siiyay ciidamadiisa inay isugu yimaadaan soohdinta gobolka Tigray weliba “si degdeg ah.”

Warqad uu u qoray Qaramada Midoobay 19kii Diseembar, Debretsion Gebremichael wuxuu ku sheegay in TPLF ay soo jeedisay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka kadibna wadahadal lagu xijiyo.”

Ku dhawaaqista hogaamiyaha TPLF ayaa timid kadib guulo waaweyn oo dhuleed oo ay gaareen ciidamada dawladu todobaadyadii lasoo dhaafay kuwaas oo dib ula wareegay ku dhawaad ​​dhamaan magaalooyinki waaweynaa ee gobolada Axmaarada iyo Canfarta oo horay gacanta ugu gashay fallaagada ka dib markii ay dagaaladu ku fidee gobollada dariska la ah Tigray tan iyo bishii July ee lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee Debretsion ayaa beeniyay in dagaalladii loogaga adkaaday.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb galayo shirka 3-aad ee Turkiga iyo Afrika, waana markii ugu horreysay ee uu dalkiisa ka baxo tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billowday.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa baraha bulshada ku shaaciyay xogta ku saabsan safarka Abiy Axmed iyo dhaqdhaqaaqyadii uu ka waday Turkiga tan iyo markii uu tagay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor