TPLF oo mar kale soo saartay  Hanjabaad culus

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan dagaalka tan iyo inta xayiraadda saaran gobolka laga qaadayo iyo in dowladda federaalka ay aqbasho shuruudaha ku aadan xabad joojinta ay codsadeen.

Janaraal Tsadkan Gebretensae wuxuu BBC u sheegay in dagaalyahanada Tigray aysan ka bixin doonin dhulka Canfarta iyo Amxraada tan iyo inta ay ka gaarayaan hadafkooda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay weli ku sugan yihiin Tigray balse ay meesha ka saari doonaan waa haddii si iskood ah aysan u bixin.

Janaraalka wuxuu sheegay in mustaqbalka gobolka Tigray uu ku xiran yahay afti laga qaado shacabka marka heshiis siyaasadeed uun ay la galaan xukuumadda Addis Ababa.

Dagaalka 9 bilood ka socday Tigray ayaa horseeday in macluul ay soo wajahdo boqolaal kun oo qof oo ku nool halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor