TOOS:-Doorashada Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle oo bilaabatay

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo deegaanada Hirshabeelle ayaa goor dhow ka bilaabatay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas.

Doorashada saddex kursi oo kamid ah 8 kursi ee Hirshabeelle ee Aqalka Sare ayaa goor dhow ka bilaabatay Howlka Xarunta Baarlamaanka Maamulka, waxaana Xildhibaanada ay dooranayaan Musharaxiinta dooneysay inay kamid noqdan Aqalka Sare.

Musharaxiinta kursiga koowaad ku tartamaya ayaa waxaa kamid ah;

1- Muuse Suudi Yalaxow

2- Cabdullahi Sheekh Xasan

3- Axmed Xasan Cadow Daaci iyo 4 Dr. Xasan Cadaay Cali.

Kursiga labaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamaya

  1. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
  2. Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

Sidoo kale waxaa kursiga saddexaad ku tartamaya Musharaxiinta kala:

  1. Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama iyo
  2. Sacdlya Yarrow Aadan

Ammaanka guud ee Caasimadda Maamulka ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxa sugida amniga iska kaashanaya laamaha amniga Maamulkaas iyo kuwa Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor