Tiro dad ah oo dhintay kadib markii bas ay la socdeen uu ku dhacay webi

Ugu yaraan 33 qof ayaa dhintay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen dadkan uu ka baxay waddada isla markaana uu ku dhacay webi mara halkaas.

Masโ€™uuliyiinta waxay sheegeen in 10 qof ay ka badbaaday shilka xaley xilli baabuurka uu marayay buunddada webi mara bartmaha Kenya.

Baska ayaa kasoo dhaqaaqay magaalada Meru, wuxuu ku wajahnaa magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa.

Booliska waxay sheegeen in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan in bareega gaariga ay cilad ku timid.

Waxaa hadda socdaa howlaha samatabixinta ah ay lagu baadigoobayo dadka la laโ€™yahay iyadoo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay korodho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor