Waxaa goordhow soo dhammaatay Codeyntii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee Doorashada Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee ka socota Magaalada Jowhar.
Guddiga Doorashada ayaa haatan bilaabay tirinta Codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana ay ugu kala codeyeen laba Musharax oo ku tartameysa xilka Madaxweynaha Hirshabeelle.
Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya labada Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.
Howlka ay ka socoto doorashada Madaxweynaha Maamulka ayaa waxaa ku sugan Xildhibanada Baarlamanka Hirshabeelle, siyaasiyiin Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan oo halkaas gaaray, Guddoomiyeyaal degmo iyo xubno kale oo farabadan.