Tiradii hal maalin ugu badneyd ee Coronavirus oo la diiwaan geliyey

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa waxa ay sheegaysaa in xaaladaha cusub ee cudurka Covid-19 ee maalinlaha ah ay ka sara martay rubac malyuun, markii ugu horraysay tan iyo markii uu cudurkaasi dilaacay. Taas oo ka dhigan tiradii ugu badnayd hal maalin.

Sare u kaca ugu weyn ayaa waxaa laga diiwaangeliyay dalalka Mareykanka, Brazil, Hindiya iyo Koonfur Afrika.

In ka badan 600 oo kun oo qof ayaa haatan la og yahay inay cudurkaasi u dhinteen.

Tirada guud ee dhimashada fayraska corona ee dunida ee maalinlaha ah, waxay kor u dhaaftay 7,360 taasi oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 10-kii bishii May.

Maalin ka hora ayay ahayd markii WHO ay diiwaan gelisay tiradii ugu badnayd ee dadka uu soo ridanayo fayraska corna.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media