Tirada dadka laga helayo Cudurka COVID-19 ee Somalia oo sii kordheysa

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 1176 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta maalinla ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta Feyruska Karoona, ayaa lagu sheegay in xaaladaha cusub laga diiwaan galiyey gobolka Bamaadir (8), Somaliland (70), Jubbaland (9), Puntland (60), Koonfur Galbeed (4)  iyo Hirshabeelle ( 7 qo), 108 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay in laga helay feyras Karoona waa rag, halka 52 ay yihiin haween.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa shaacisay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 ay Somaliland ugu geerioodeen 6 qof, Puntland 3 iyo Magaalada Muqdisho oo laba qof ah ugu dhintay, waxaana ka bogsatay 65.

Guud ahaan Tirada xaaladaha COVID-19, ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,783, waxaa bogsootay xanuunka 4,967 Ruux. guud ahaan 557 ruux ayaana u geeriyootay.

Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor