Tirada dadka laga helay Cudurka COVID-19 ee Somaliland oo korortay

Wasaaradda Caafimaad Somaliland ayaa Maanta oo sabti shaacisay in dad hor leh laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi oo Goordhow warbaahinta la hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in COVID-19 48-dii saac ee ugu dambeeyay laga helay 19 qof, kuwaasi oo jirkooda laga qaaday dhiicaano, sidaasina lagu ogaaday inay qabaan Cudurka.

Sidoo kale Wasiir Cumar Cali ayaa waxaa uu tilmaamay in 13 kamid ah dadka laga helay Cudurka ay ku sugan yihiin Gobolka Maroodijeex, halka 6-da kalena ay jogaan Gobolka Awdal, waxaana 11 kamid ay yihiin rag, halka 8 ay yihiin Haween.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in Somaliland ay Cudurka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen laba ruux, halka 8 qof kalena ay ka bogsadeen, kuwaasi oo xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.

Tirada guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaartay 87 qof, waxaana halkaas Cudurka ugu geeriyootay 8 ruux, halka ay ka bogsatay 15 qof sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media