Tirada dadka helay Coronavirus ee Muqdisho oo Maanta korortay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow shaacisay in dad Cusub oo ku sugan Magaalada Muqdisho laga helay Cudurka Coronavirus oo u muuqda mid kusii faafaya gudaha Caasimadda dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta dalka laga helay 29 ruux oo qaba Cudurka 21 kamid ay yihiin Rag, halka 8 qof kalena yihiin Dumar.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu xusay in mid kamid ah dadkii horey looga helay Cudurka uu bogsaday, isla markaana dadka Cusub ee laga helay Cudurka la geeyay Xarunta karantiilka.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya ayaa gaartay 164 Qof, waxaana xusid mudan in Puntland Caawa shaacisay kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada uu u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media