Tirada dadka Cudurka COVID-19 ugu dhintay Somaliland oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta markale soo Bandhigtay natiijada kasoo baxday dad laga baaray Cudurka COVID-19, kuwaas oo lagu sameeyay baaritaano kala duwan

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga helay laba ruux, kadib baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay lagu ogaaday inay qabaan Cudurka.

Laba ruux ee laga helay Cudurka ayaa kala ah rag iyo dumar, kuwaasi oo da’dooda ay u dhexeeyso 30 ilaa iyo 40 jir, isla markaana waxaa ay ku sugan yihiin Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in hal qof uu Cudurka ugu geeriyooday halkaas, kaasi Nin ah da’diisuna aheyd 65jir kuna noolaa Magaalada Boorama, isagoona kamid ahaa Bukaanada Cudurka la jiifa.

Tirada guud ee Cudurka COVID-19 laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaartay 142, waxaana Cudurka halkaas ugu geeriyootay 11 ruux, halka ay Cudurka ka bogsatay dhowr qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media