Tifatirihii Telefashinka Dowladda oo Is Casilay

Wariye Feysal Muuse Maxamed oo ahaa Tifatirihii Telefashinka Qaranka Soomaaliya ee SNTV ayaa ku dhawaaqay inuu xilka Tifatire ee SNTV uu iska Casilay, isagoo faah faahin ka bixiyay sababta keentay.

Wariye Feysal Muuse ayaa sababta uu xilka Tifatiraha Telefashinka dowladda isaga Casilay ku sheegay inay tahay is faham la’aan shaqo, isla markaana uu Go’aan ku gaaray inuu xilkaas iska Casilo.

Feysal Muuse ayaa Waqadiisa Is Casilaada u gubiyay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka rajeeyay inay ka ogollaan doonaan Is-casilaadiisa ku aadan dhanka shaqada.

Ugu dambeyntii Wariye Feysal Muuse Maxamed ayaa waxaa uu guul iyo horumar u rajeeyay Madaxda SNTV iyo kuwa imaan doona, isagoo xusay inuu sii wadi doono u adeegida Qarannimada Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Warqadiisa is Casilaada Wariye Feysal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media