Tallaalka COVID-19 oo si rasmi ah uga bilaabanaya Dal ku yaalla Yurub

Qaybtii ugu horaysay talaalka Pfizer/BioNTech ee xanuunka Covid19 oo uu dhaliyo CoronaVirus ayaa la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaallada iyo goobaha caafimaadka ee dalka Ingiriiska.

Illaa 50 goob ayaa laga bilaabi doonaa wajiga koowaad ee tallaalka,waxaana la geeyay sanduuqyo qaboojiyayayaal ah oo tallaalku ku jiro.

Maalinka talaadada ah ayaa saraakiisha caafimaadku sheegeen in uu talaalka si rasmi ah u bilaabanayo, dadka ugu horeeya ee la talaalayo ayaa ah shaqaalaha caafimaadka , dadka Waayeelka ah iyo dadka ku sugan goobaha dadka da’da ah lagu xanaaneeyo.

UK waxay dalbatay tallaal ku filan 40 malyuun oo qof waana dalkii labaad ee aduunka ee si buuxda u shaaciya in uu dadwaynihiisa qaadanayaan tallaalka lagaga hortagayo cudurka Covid19, dalka Ruushka ayaa horay u qaaday tallaabadaan oo kale, inkastoo hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO aysan wali xaqiijin waxtarka tallaalka Ruushka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media