Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug oo lagu dilay Dagaal rogaal celin ka dhacay Guriceel

Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa dagaal rogaal celin ah gabaldhicii galabta kusoo qaaday Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo duhurnimadii Maanta ay la wareegeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalkii dhacay gelinkii dambe ee galabta uu ahaa mid xoogan oo Ciidanka Ahlusunna dib ugu qabsadeen Saldhigga Booliska iyo Xarunta degmada Guriceel oo saaka ay ka saareen Ciidanka is garabsanayay ee dagaalka la galay.

Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay Guriceel oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana dhaawacyo farabadan la geeyay Xarumo Caafimaad, si loogu daaweyo.

Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Cabdiladiif Feyfle ayaa la xaqiijiyay in dagaalkii galabta ee rogaal celinta ahaa lagu dilay, isagoo markii hore la sheegay inuu soo gaaray dhaawac, balse uu ugu geeriyooday, sida ku warrameen Saraakiil.

Xaaladda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Caawa aad u kacsan, waxaana Magaalada labada dhinac ka kala jooga Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna oo gurmad uga yimid degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor