Taliyihii Booliska Dhuusamareeb oo is Casilay iyo sababta oo la shaaciyay

Taliyihii Ciidanka Booliiska ee Magaalada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii uu ka haayay Booliska Galmudug.

Dhamme Burhaan Axmed oo ah Taliyaha is Casilay ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay sababta keentay inuu xiligaan xilka Casilo, sidoo kalena fariin baaq ah.

Taliye Burhaan Axmed oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay in faragelin cad lagu sameeyay shaqadiisa, isagoo markii dambana go’aan ku gaaray inuu shaqada ka tego.

Waxaa uu sheegay in laba jeer xabsiga Dhuusamareeb Saraakiisha sare ee Booliska Galmudug kasii daayeen xubno ku xirnaa, kuwaasi oo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana  uu ku socday baaritaano.

”Waxaa xabsiga laga daayay laba ruux oo yimid Caasimadda Galmudug lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay, sidoo kalena Nin loo xiray tuhun shabaab oo isna xabsiga laga sii daayay, loona gudbiyay Magaalada Cadaado” ayuu yiri taliye Burhaan.

Ugu dambeyntii Dhamme Burhaan Axmed ayaa Taliska Booliska Galmudug ugu baaqay in si deg deg ah loo soo magacaabo Taliyaha isaga bedelayo, wuxuuna Carabka ku dhuftay inay la shaqeyn doono.

Si kastaba Taliye Burhaan Axmed ayaa xilka Saldhiga Booliska loo magacaabay 22-ka Bishii labaad February ee 2020, isagoo kamid ahaa Saraakiishii Ahlusunna Waljameeca oo ay qarameysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media