Taliye Xijaar oo dhambaal u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa ciidanka Booliska ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo ku asteysan 20-ka December.

Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ayuu taliyaha ugu hambalyeeyay Munaasabadda Sanadguurada 77-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Maanta oo taariikhdu tahay 20-ka Disember 2020, waxaa sharf ii ah in aan ugu hambalyeeyo dhamaan Sareeyeyaasha, Saraakiisha Sare, Saraakiisha Hoose Kormeereyaasha, Sarkaal Xigeenada, Alifkayda, Dablayda, Xaasaskooda, Caruurtooda iyo dhamaan Shacbi weynaha Soomaaliyeed, maalintaan weyn ee Aasaaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa waxaa uu tilmaamay in Sanadkaan sii dhamaanaya Ciidanku gaareen natiijooyinka dhaxal-gal ah, waana uga mahadcelinaynaa Dowladda dhexe iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagooda

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media