Taliye u dhashay dalka Liibiya oo ku eedeysnaa Dembiyo Dagaal oo la dilay

Jeneral Maxamuud Mustafa Busayf Al-Werfalli oo ka tirsanaa Kooxaha ku dagaalama dalka Liibiya ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay.

Sarkaalkaasi oo taabacsanaa Ciiddanka Qaranka Liibiya ee LNA ee uu Taliyaha ka yahay Marshal Khalifa Xaftar ayaa la sheegay inay dabley aan la aqoonsanin ay shalay oo Arbaco ahayd ku dileen magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Benqaasi oo ku taalla Bariga dalkaasi.

Dableyda waxay rasaas ku fureen gaari uu la socday Sarkaalkaasi, oo ay dhaawacyo culus soo gaareen isaga iyo nin ay ilmo adeer yihiin oo magaciisa lagu soo koobay Ayman.

Ilo-wareedyo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay labadoodaba geeriyooday, markii la geeyey Rugta Caafimaadka ee Benqaasi (The Benghazi Medical Centre), oo ku yaalla meel ku dhow halka lagu toogtay Jeneral Maxamuud Mustafa Busayf Al-Werfalli.

Afhayeen u hadlay Ciiddanka Khaaska ee Khaliifa Xaftar waxa uu xaqiijiyey in la dilay Jeneralkaasi ay Maxkamadda ICC doondoonaysay.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyada dilkaasi.

Al-werfalli waxaa doondoonaysay Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ICC oo ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Netherlands, waxaana loo haystaa dilkii in ka badan 40-qof, oo ay ku jiraan shil dhacay sanadkii 2018-kii.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor