Taliye Sare oo ka tirsan Puntland oo is Casilay

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Goordhow uu xilka iska Casilay Taliyihii Ciidanka Ilaalada ka haaya Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Puntland.

Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf oo ah Taliyaha is Casilay ayaa la xaqiijiyay inuu warqadiisa is casilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Qardho.

Sidoo kale Taliyihii Ciidanka Ilaalada Puntland ayaa shaacin sababta keentay inuu is Casilo, hayeeshee wararka qaarkood ee la helayo ayaa waxaa sheegaya inuu isku Casilay Arrimo isaga gaar u ah.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa G/Sare  Barkhad Cabdullaahi Yuusuf xilka Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda maamulkaas u Magacaabay 3-da Bishii Maarso sanadkii hore ee 2019.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media