Taliye Odawaa oo ka hadlay Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka sino-dhaqo iyo Labidulle ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Taliye Odawaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka sino-dhaqo oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka uu dhaliyey khasaaro oo Al-shabaab uga dileen 10 xubnood, sidoo kalena laga burburiyey meelihii ay ku sugnaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha oo aan sheegin khasaaraha dhankooda gaaray.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa xusay in Ciidanka dowladda ka war heleen in nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo iyo Labidulle ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb joogaan Al-shabaab sidaas darteedna weerar ay ku qaadeen.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galmudug ayaa waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Al-shabaa, waxaana Goboladaas ka dhacay dagaal culus oo dhaliyey khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor