Taliye Odawaa iyo dhiggiisa Itoobiya oo ka wada hadlay Iskaashiga Ciidamada

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho ku tegay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Taliye Odawaa Yuusuf ayaa Maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa Itoobiya Berhanu Jula, iyagoo ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan dhinaca Ciidanka.

Inta uu socday kulanka Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Berhanu Jula ayaa sigaar ah diirada u saaray iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga sidii loo adkeyn lahaa.

Sida ay baahisay Warbaahinta dawladda  Itoobiya ayaa lagu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee laga hadlay ay tahay sidii Soomaaliya u gaari lahayd isku-filaansho dhinaca ciidamada ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor