Taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidamada Xoogga oo ka badbaaday qarax ka dhacay Muqdisho

Taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada xoogga dalka Generaal Maxamed Cali Bariise ayaa ka badbaaday qarax Miino oo barqanimadii maanta ka dhacay nawaaxiga madaxtooyadii hore ee C/qaadim ee degmada Hodon.

Ganeraal Maxamed Cali Bariise ayaa la sheegay gaariga uu la socday in uu gudbay goobta Miinada lagu aasay waxyar uun kadibna ay qaraxday isla markaana ay haleeshay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen hooyo ilmo yar oo ay dhashay.

Gaariga uu la socday Taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in uu ahaa nooca aan xabadu karin dushana ay ka saarnaayeen ciidamo ilaalo u ahaa mana jirto khasaare askarta gaaray sida goobjoogayaal ay u sheegeen dalsan.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyootay ku dhawaad 3-ruux waxaana ka mid ahaa Ilmo yar oo dhabta hooyadii ku heysay iyada oo hooyada dhaawac kasoo gaaray,waxaana tirade guud ee dhaawacyadu ay yihiin 3.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media