Taliye Cusub oo loo Magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa Taliye Cusub u magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Agaasime Fahad Yaasiin ayaa waxaa xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir loogu Magacaabay inuu noqdo Yaasiin Cabdullaahi Fareey, isagoo bedelaya Taliyihii hore ee KMG ahaa ee Ciise Maxamed Ciise.

Taliyaha Cusub ee Nabadsugida ee Gobolka Banaadir ayaa haatan waxaa uu ahaa Madaxii Ilaalada Agaasimaha Hay’adda NISA, isagoo la shaqeeyay Taliyeyaal hore oo Nabadsugid ah.

Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Taliyaha Cusub ee la Magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media