Taliye cusub oo loo magacaabay Booliska Degmo ka tirsan Gobolka Nugaal

Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Taliye Ciidan Boolis u magacaabay degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii hore.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye S/Guuto Maxamed Xaashi ayaa waxaa Taliyaha Booliska degmada Eyl loogu magacaabay inuu noqdo Gaashaanle Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul), kaasi oo bedelaya Taliyihii hore ee degmadaas.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa la soo weriyey inuu wado isbeddelo uu ku samaynayo Saraakiisha Booliiska degmooyinka Maamulka Puntland.

Dhawaan ayey markii Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu isbedel ku sameeyay hoggaamada Ciidamada Booliska Puntland, isagoona magacaabay Taliyeyaal Ciidan, halka kuwo kalena xilka qaadis uu ku sameeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor