Taliyihii Ciidanka Nabadsugida ee Garoonka Dhuusamareeb oo lagu dilay Magaalada Guriceel

Dagaal kooban ayaa saakay mar kale Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ku dhexmaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, xili ay weli halkaas ka jirto xiisad Colaadeed.

Dagaalkan oo bilowday waaberigii hore ee saaka oo Axad ah ayaa sigaar uga dhacay halka loo yaqaano Labiga Qoryaha illaa Masjidka Weyn ee Jaamaca oo aad ugu dhow Suuqa weyn ee degmada Guriceel, waxaana inta uu socday la maqlayay rasaas xoog leh.

Madaafiic la is weydaarsaday ayaa ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee Guriceel, isla markaana waxaa Madaafiicda ka dhashay khasaaro hantiyadeed oo gaaray Isbitaalkaas, iyadoona halkaas ay isaga kala carareen shaqaalihii ku sugnaa.

Taliyihii Ciidanka Nabadsugida ee Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Cabdiqani Maxamed Diiriye ayaa saakay lagu dilay Magaalada Guriceel, waxaana la sheegay inay toogasho ku dileen Ciidamo ilaalo ku haayay Xarun Isgaarsiin oo ku taalla Magaaladaas.

Dad ayaa ku warramay in Cabdiqani Maxamed uu isku dayay inuu awood ku koro dhismaha Xarunta Isgaarsiinteed, hayeeshee Ciidamo Ilaalo ku haayay Xaruntaas iyo Ciidamo la socday Taliyaha ayaa isku dhacay, sidaasina uu iska horimaadka ugu dhintay Cabdiqani.

Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo gurmadyo kala duwan helaya ayaa iyaguna jooga wadada isku xirta Labiga Qoryaha ilaa Schoolka Al-ma’muun, Isbitaalka Istarliin ilaa halka loo yaqaan Jaamacadda oo dhacda Beriga degmadda Guriceel.

Si kastaba Khasaaro aada u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana dagaalada ku dhintay Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah oo rasaas haleeshay.