Taliyaha uu NISA u Magacaabay Farmaajo iyo Saraakiil kale oo Muqdisho shir ku leh

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho shir uga furmay Saraakiil ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda, sida Nabad Sugidda iyo Taliska Qaybta Booliska Gobolkani Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Booliska Cabdi xasan xijaar,Yaasiin Farey Taliyihii Madaxweyne Farmaajo u Magacaabay Hay’adda NISa, Taliyaha Qeybta Guud Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qoraalle Gudoomiye ku Xigeenka Amniga Gobolka Cali Yare iyo Saraakiil kale.

Kulanka kadib ayaa waxaa la filayaa in Saraakiishu ay warbaahinta lahadlaan, waxaana loo yeeray warbaahinta, iyadoo Mas’uuliyiinta shiray ay faah faahin ka bixin doonaan waxyaabihii ay ka shireen iyo arrimo kale oo ku aaddan marxalladda siyaasadeed ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor