Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Maanta kormeer ku tegay tuulada lagu magacaabo Dheghaye oo hoostegta degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.
Kormeerka Taliye Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi uu ku tegay Dheghaye ayaa waxaa ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug.
Ujeedka kormeerkan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid Taliyaha Ciidanka Dhulka uu ugu kuur-galayay amniga Dheghaye iyo deegaano kale oo hoostega Wisil iyo Bacaadweyne oo ay ka dhaceen dagaalo geystay khasaaro.
Kormeerkan uu ku tegay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi tuulada Dheghaye ayaa kusoo aadaya, iyada oo Al-shabaab ay sheegteen saacadihii lasoo dhaafay inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaankaas, ayna ku sugan yihiin.
Qoraal lagu faafiyay baraha qadka Shabaabka ayaa waxaa ku sheegeen inay dagaal la’aan la wareegeen, kadib markii Dheghaye ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Si kastaba Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah ku qaaday deegaanka Wisil, isla markaana ay ka dhaceen dagaalo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dhexmaray Shabaabka iyo Ciidanka dowladda.