Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Magaalada Cadaado

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General: Odawaa Yuusuf Raage oo kujira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Taliye Odawaa iyo Saraakiil kale oo la socotay ayaa kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Xerada General Kaanti ee ku taalla duleedka Cadaado.

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad , cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay waxaana intaa kadib soo dhoweyn u sameeyay Maamulka Degmada Cadaado oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha C/laahi C/raxmaan Tootoole .

Cadaado ayaa haatan qayb ka ah Xarumaha ugu waaweyn ee Qaybta 21-aad iyadoo fadhiisin u ah Guutada 13-aad Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media