Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Magaalada Caabudwaaq

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Safarka Taliye Odawaa ee Caabudwaaq ayaa waxaa ku wehliyay saraakiil ka tirsan qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa inta uu sugan yahay halkaas ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidanka  iyo qeybaha kala duwan ee Bushada.

Taliye  Odawaa Yuusuf Raage ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, isagoo halkaas ka wada abaabul dagaal oo dhan ah Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media