Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Saraakiil kale oo gaaray Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi Saraakiil Ciidan ah oo ka socda dowladda Federaalka, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidanka  Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage, waxaana safarkiisa Dhuusamareeb ku wehlinaya Taliyaha dhawaan loo magacaabey Qaybta Guud ee Booliska Maamulka Galmudug Gen. Bishaar Abshir geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed warsame.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana Taliyaha Ciidanka Xoogga uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Qalabka Sida.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb inuu kulamo kala duwan la qaaato Saraakiisha Ciidanka dowladd Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu koermeer uu tegi doonaa sida la sheegay xeryaha Ciidamada Dowladda, isagoo halkaas kula kulmi doona Ciidamo ah loo diyaariyay in dhawaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab ay ka bilaaban deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media