Taliyaha Ciidanka dhulka oo ka Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalkii Afhayeenka AL-Shabaab ka soo yeeray, kaasi oo uu kaga hadlay dagaaladii dhawaan dhacay.

Taliyaha oo la hadlay warbaabinta Qaranka aya sheegay in hadalka Al-Shabaab uu yahay ‘Cataaw’ ay ka keenatay guul darrada kasoo gaartay dagaaladii ugu dambeeyay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Jeneraal Biixi ayaa dhanka kale ka faah faahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud,waxa uu taliyu carabka ku dhuftay howlgalkii degaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan oo jab xooggan loogu geeysatay AL-Shabaab.

Taliyaha ayAa ugu dambeyntii sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka soconayo degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug,ciidamada qarankana ay diyaar u yihiin sidii Al-shabaab ay kaga saari lahaayeen degaanada gacanta ugu jira.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor