Taliyaha Ciidanka Booliska “Waxaa soo baxay dembiyo cusub oo aan hore u laheyn”

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay soo baxayeen dembiyo cusub oo horey loo arkin jirin oo la xiriira waxyaabaha aan Anshaxa u wanaagsaneynin.

Taliye Xijaar ayaa tilmaamay in Ciidamo gaar ah oo Boolis ah u diyaariyeen ka hortega waxyaabaha anshax xumada ah ee kusoo batay baraha Bulshada ee wax u dhimaya akhlaaaqiyaadka Bulshada, in kastoo uu xusay in Tiknaloojiyada ay leedahay faa’iidooyin badan.

Ciidamada Booliska ayuu Taliye Xijaar sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta anshaxa, asluubta iyo diinta, isla markaana loo baahan tahay inay fasahaadka ka ilaaliyaan dhaqanka, kana hortegaan cid kasta oo sameeyneysa waxyaabaha xun.

“Waxaa soo baxay dambiyo cusub oo aan hore u laheyn kuwaasi oo wax u dhimaya akhlaaaqiyaadka Bulshada, saameyna ku leh dhaqankeena waxaan u sameynay ciidan gaar ah oo la falgala kana hortaga” ayuu yiri Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa Carabka ku dhuftay in hoggaan gaar ah ay u sameeyeen sidii looga hortegi lahaa waxyaabaha anshax xumada  ee lagu faafiyo Tiknaloojiyada, isagoona ku baaqay in laga fogaado Arrimaha wax u dhimaya akhlaaaqiyaadka Bulshada Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayuu Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ka sheegay Munaasabadda Shir Sanadeedka Garsoorka ee maanta ka furmay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana Shirkaas looga hadlayaa Arrimaha Garsoorka dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor