Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska ayaa kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee INTERPOL Jurgen Stock.

“Waxaan magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska oo aan safar shaqo ku joogno kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee INTERPOL Jurgen Stock, annagoo ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidankq Booliska Soomaaliyeed iyo Interpol ee ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaalllanka argagixisada” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor