Taliyaha Ciidanka Booliska oo Magacaabis sameeyay

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya  Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliye Cusub u Magacaabay Saldhiga Booliska Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Boondheere loogu magacaabay inuu noqdo Cabdi Shiikh Ciise oo loo yaqaan (Cabdi Kumi), isagoo bedelaya Taliyihii hore ee Saldhigaas Najiib Carab.

Xilka qaadista shalay  lagu sameeyay Najiib Carab ayaa timid, kadib markii habeen ka hore Askari ka tirsan Booliska ee ka howlala Boondheere uu laba ruux oo shacab uu ku dilay Isgoyska Jubba.

Sidoo kale Taliska Ciidanka Boolisa dowladda ayaa shaaca ka qaaday in la xiray Askarigii dorraad dilka u geystay labada ruux ee shacabka ahaa, waxaana dilka ka dhashay Banaanbax xoogan oo sameeyn yeeshay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media