Taliyaha Ciidanka badda oo la amray in baaritaan lagu sameeyo kadib eedeeyn uu Rooble u jeediyay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalbaday in Baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo Muuqaal dhawaan uu baahiyay Taliyaha Ciidamada Badda, kaasi oo eed ugu jeediyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wasiirka ayaa si gaar ah u amray Taliyaha Ciidanka Xoogga inuu baaritaanka sameeyo, sababta rasmiga ah ee Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed uu eedeyn noocaas ah ugu jeediyo Ra’iisul Wasaaraha iyo xaqiiqda iyo wax aka jira arrinta ku aaddan dhul boobka.

Taliyaha Ciidanka badda ayaa horay Muuqaal uu Warbaahinta lawadaagay waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu boob sharci darro ah ku hayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warqadda

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor