Taliska Milatariga Israa’iil oo sheegay in ay weerar aargoosi ah ku qaadeen Iiraan iyo Suuriya

Taliska Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay habeennimadii xalay duqeymo aargoosi ah u geysteen bartilmaameedyo ay leeyihiin milatariga Iiraan iyo kuwa Suuriya, oo ku yaalla gudaha waddanka Suuriya, kaddib markii ay bambooyin qarxi kara ku arkeen dhulka ay heystaan ee buuraleyda Golan.

Telefishinka ku hadla afka dowladda Suuriya ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ee dalkaas “ay la tacaaleen duqeymaha Israa’ill” ayna dhulka soo dhigeen tiro gantaalo ah.

Wuxuu sidoo kale soo tabiyay in weerarradaas lagu dilay saddex askari oo reer Suuriya ah, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Hase yeeshee kooxda dabagalka ku sameysa xaaladda Suuriya ayaa shaacisay in duqeymahaas ay ku dhinteen 10 ruux oo ay ku jiraan saddex u dhalatay dalka Iiraan.

Israa’iil ayaa sanadihii lasoo dhaafay marar badan oo hore weerarro xaga cirka ah la beegsatay fariisimo ay milatariga Iiraan ku leeyihiin gudaha Suuriya iyo saldhigyo ay xulafada kale ee garab taagan dowladda Suuriya ee uu madaxweynaha ka yahay Bashaar Al-Asad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media