Taliska CXD oo War kasoo saaray howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo saacado qaatay ayaa waxaa ay Ciidamada Xoogga dalka sigaar ah uga fuliyeen inta dhexeeysa degmada Afgooye iyo Balcad oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sida ay baahisay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada dowladda, howlgalkii ugu horreeyay ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Ballow  oo lagu burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay howlgalkaas,

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ayaa tilmaamay in sidoo kale howlgal laga fuliyay deegaanka Jambaluul lagu burburiyay goobo ay ku sugnaayeen shabaabka, ayna haatan ku sugan yihiin Ciidamada, halkaas oo la xusay in dadka lagu dhibaateysan jiray.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in weerarka lagu dilaay 25 xubnood, halka 15 kalena lagu dhaawacay, sida uu hadalka u dhigay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan weerarka khasaaraha geystay ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas dhowr jeer oo horey labada dhinac ku dhexmaray dagaalo khasaaro badan dhaliyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor