Taliska CXD oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ee Bariire iyo Awdheegle

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay weerar xoogan oo aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Bariire iyo degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye Odawaa oo la hadlay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar gaadmo kusoo qaadan Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Bariire iyo Awdheegle, hayeeshee la fashiliyay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay Taliye Odawaa Yuusuf in dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaas, ayna khasaaro gaarsiiyeen shabaabka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka in Ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan deegaanka Bariire iyo Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayna xaaladda tahay mid degan, in kastoo uusan tirro khasaaro shaacin.

Dhinaca kale Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu tilmaamay in dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab uu haatan ka socdo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka.

Al-shabaab  warar barahooda qadka ay ku qoreen ayaa waxaa a ku sheegeen in saakay weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Awdheegle iyo Bariire, ayna la wareegeen gacan ku heynta Saldhigyada.

Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay intaas kusii dareen in Dhammaan wixii gaadiid ahaa ee saldhigyada la weeraray yaalla ay gacanta ku dhigeen, waa ay hadalka u dhigeen shabaabka, si rasmi ahna looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor