Taliska CXD oo ka hadlay sababta loo baajiyay Xuska Sanad-guurada 60-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Maanta u dabaal dagaya sanadguurada 60 Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska ciidanka Xoogga Dalka.

War qoraal oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Taliye Odawaa ayaa waxaa uu bogaadin iyo hambalyo ugu diray dhamaan S/kiisha, S/kiil xigeenka, Alifleyda iyo Dableyda CXDS iyo dhamaan qoysaskooda.

“Maanta oo ay ku beegantahay sanad guurada 60aad ee aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan S/kiisha, S/kiil xigeenka, Alifleyda iyo Dableyda CXDS Iyo dhamaan qoysaskooda” ayuu yiri Taliye Odawaa.

Waxaa uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka in la joojiyay bandhiggii sanad guurada ee Ciidanka oo Maanta oo kale la dhigi jiray, sababo la xiriira ka hortega faafifa Cudurka halista ah ee Coronavirus oo ka dilaacay Magaalada Muqdisho.

S/gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga dalka si loo gaaro guulo wax ku ool ah loona soo celino sharafkii iyo karaamadii Umadda Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media