Taliska CXD oo ka hadlay dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka qeybta 27-aad ee Xoogga dalka Jen. Axmed Maxamed Calasoow  Tareedisho ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo maalin kahor Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexemaray xaafaddo ka tirsan degmada Kaaraan, kaasi oo geystay khasaaro.

Taliye Tareedisho oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay xaafaddaha Wajeer iyo Nageyle ee degmada Kaaraan aysan wax lug ah ku laheyn Ciidanka qeybta 27-aad ee Xoogga dalka, xili uu u dhexeeyay dagaalkaas Ciidamo kala taabacsan Col. Saney Cabdulle iyo Col. Xaadoole oo ka tirsan Ciidanka Milateriga.

Waxaa uu beeniyay Taliyaha in dagaalkii ka dhacay Muqdisho wax lug ah ku lahaayeen Ciidanka qeybta 27-aad oo uu sheegay inay howlgalo lagu qaadayo Isbaarooyin ka wadaan wadada dheer ee xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Cadale.

Taliye Tareedisho ayaa tilmaamay inay jiraan rag hubeysan oo ka tirsaneyn Ciidanka xoogga oo wata gaadiid nooca dagaalka oo lagu dhex arko Muqdisho kuna dagaalama, xiliyada qaarkood, wuxuuna xusay in ragaas ay tahay in wax laga qabto.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Tareedisho ayuu sheegay in marnaba aysan xadgudub qaadaneynin Taliska qeybta 27-aad, isla markaana waxaa uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay inuu kala saaro degmooyinka iyo deegaanada isku heysta dhulalka xuduudaha.

Hadalka Taliye Tareedisho ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Maamulka degmada Kaaraan uu Col. Saney Cabdulle Gaab ku eedeeyay in Ciidamo uu hoggaaminayo ay weerar soo qaadeen, ayna dhul boob ka wadaan degmada Kaaraan, iyagoona dalbaday in Ciidanka guutada 4-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka laga saaro degmadaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor