Taliska Ciidanka Xoogga oo ku dhawaaqay howlgal wado furis ah

Taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka oo safar shaqo uga soo kicitimay Magaalada Baydhabo ayaa gaaray degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha qaybta oo uu weheliyo taliyaha guutada7aad qaybta 60- aad ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga ay ku leeyihiin deegaanada hoos yimada degmada Walaweyn.

Kormeer kadib taliyaha guutada 7 aad qaybta 60-aad ee ciidanka dhulka gaashanle dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar ayaa taliyaha qaybta 60-aad uga warbixiyay dadaallada ay wadan ciidanka xoogga gaar ahaan guutada 7-aad,isagoo sheegay in guutadu ay u diyaarsantahay la dagaalanka Al-shabaab iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Taliya qeybta 60-aad ee ciidanka dhulka S/guuto Maxamed Sheikh Cusmaan (Ciiro) ayaa Ciidamada kula dardarmay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, isla markaana faray inay ay u diyaar garoowaan howlgal lagu xureyno wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media