Taliska Ciidanka Xoogga oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay Dagaalkii Degmada Balcad

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo waaberigii hore ee saakay ka dhacay gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka degmada iyo Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa u sheegay in Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen Bara Koontaroolo oo Ciidanka ku leeyihiin Balcad, kadibna uu dhacay dagaal xoogan.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in dagaalkii dhacay uu ka dhashay dagaalka isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna sheegay in madaafiicda iyo rasaasta la isku adeegsaday ay ku dhinteen shan qof oo Rayid ah, ayna ku dhaawacmeen tirro kale.

Waxay intaas kusii dareen Saraakiisha in dagaalka ay Al-shabaab uga dileen 9 xubnood oo kamid ahaa raggii saakay weerarka kusoo qaaday degmada Balcad, waa sida uu hadalka u dhigeen Saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga oo aan sheegin inuu dhankooda khasaaro gaaray.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaalka ay ku dileen hal Askari, halka saddex kalena ay dhaawacyo soo gaareen, ayna gacanta ku dhigeen Saldhiga degmada Balcad iyo xarumo kale, kana qaateen gaari nooca raaxada iyo agabyo kale oo uu lahaa Maamulka degmada..

Xaaladda degmada Balcad ee Gobolka Shababeellaha Dhexe ayaa hadda daggan, waxaana halkaas howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka ka wada Ciidanka dowladda iyo kuwa ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika gaar ahaan Burundi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor