Taliska Booliska oo War kasoo saaray Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax Maanta ka dhacay dhabarka danbe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Muqdisho kuna dhow Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana lala eegtay nooca Soomaalida u taqaano Laan-guruusal ay leeyihiin Ciidanka Booliska ayna xiligaas la socdeen Askar Boolis ah.

Booliska ayaa sheegay in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska, halka laba kalena uu dhaawac soo gaaray.

 “Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, u xaqiijinaynaa in maanta Qarax lala eegtay Gaari LandCruiser ah oo Nuuca uu Ciidanka Boliisku isticmaala ah. Waxaa wax kasoo gaareen 4 qofood, dhimashada 2qofood iyo Dhaawacyada 2 kale, waxaa jira burbur Soo gaaray gaarigii” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska.

Ugu dambeyn Booliska Soomaaliya ayaa cadeeyay in qaraxa uu wax Khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah oo dadka waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen dhammaantood Askar, waxaana burburay gaarigii qaraxu qabsaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media