Taliska Booliska oo shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Taliska Booliska Soomaliya ayaa ka warbixiyay Qarax khasaaro gaystay oo caawa fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Maqaayadda luul Yamani oo ku taalla Degmada Xamarjajab ee Gobolkani Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, waxaana Afhayeenku uu sheegay in  ka badan 10 ruux ay ku dhinteen Qaraxa, halka dhaawacuna uu yahay 30 ruux.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in uu jiro khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay Qaraxa, waxaana bur-bur xooggan uu soo gaaray dhismaha Maqaayadda iyo xaafado ka agdhawaa aagga qaraxu ka dhacay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor