HomeWararTaliska Booliska oo shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii  Al-shabaab ee Hotelka Xayaat

Taliska Booliska oo shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii  Al-shabaab ee Hotelka Xayaat

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in lasoo afjaray howlgalkii saacadaha badan qaatay ee ka socday hotelka Xayaat oo Al-shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo, iyagoona ka dhex dagaalamayey.

Taliyaha Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalkii ka socday hotelka Xayaat lasoo gaba-gabeeyay saqdii dhexe ee xalay, isla markaana ay Ciidanka gudaha u galeen hotelka.

Taliye Xijaar ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka dowladda Federaalka ay weerarka kasoo badbaadiyeen 106 oo hotelka ku sugnaa, xilligii uu weerarka bilaabanayay, isagoona tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay qaraxyada.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarkii hotelka Xayaat ay si faah faahsan uga warbixin doonto Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed lala wadaagi doono.

Dagaal qaatay in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa uu Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab uu ku dhexmarayey hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dad ku dhow 30 qof oo isugu jira dadkii ku sugnaa hotelka iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku dhintay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka, halka dad kale oo farabadana ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada lagu dabiibayaa Isbitaalada.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories